
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dowladood iyo horumarinta wada-shaqeynta baarlamaanada.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Jubaland, Hiirad Ismaaciil Maxamed, Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Xildhibaan Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo xiriirka labada baarlamaan, lana kordhiyo wada-tashiyada joogtada ah ee ku saabsan arrimaha sharci-dejinta, horumarinta nidaamka federaalka, iyo sidii loo wadaagi lahaa waayo-aragnimada dhismaha hay’adaha dowliga ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa muujiyay sida ay Puntland uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Jubbaland, isagoo xusay in iskaashiga labada baarlamaan uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa dhankiisa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Puntland si loo gaaro yoolalka wadajirka ah ee horumarinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada labada Baarlamaan ee ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Puntland iyo Jubbaland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.