
Siyaasi Maxamuud Shiddo oo wareysi bixiyay ayaa calaamad su’aal saaray caafimaadka maskaxeed ee madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ay mar saaxiibow dhaw ahaayeen, balse haatan ay siyaasadda ku kala irdhoobeen.
Maxamuud Shiddo oo ku tilmaaman siyaasigii kursiga madaxweynnimo saaray Siciid Deni doorashadiisii kowaad ee sannadkii 2019 ayaa jawaab ka bixiyay su’aal ku saabsanayd saamayntii shakhsiyeed ee isagu ku lahaa talada iyo go’aan-qaadashada madaxweyne Deni ee mudda xileedkiisi hore.
Siyaasi Shiddo oo ka falcelinayay hadal uu horay ujeediyay madaxweynaha Puntland oo ahaa in mudda xileedkiisi hore uu rag siyaasiyiin ah qol ugu xirnaa, islamarkaana wixii ay u sheegaan uu ku go’aan qaadan jiray ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah shaki gelinaya caafimaadka maskaxeed ee Siciid Deni.
“Madaxweyne Deni in uu yiraahdo qol baan ku xirnaan jiray, oo dad baa ii talin jiray, waa wax isaga shakhsiyaddiisa ku tiran oo fool-xumo ku ah in uu umadda u sheego, waxayna shaki gelinaysa miyirqabkiisa, waayo? Isagaa Puntland loo doortay oo loo dhaariyay” ayuu yiri Maxamuud Shiddo.
Mudane Shiddo oo qeexaya dabeecadaha uu ku bartay madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku tilmaamay in aan wax dulqaad ah lahayn, oo aan aqbali karin dhaliilaha loo jeediyo, islamarkaana kaga jawaaba xarig iyo weerar, si uu isaga aamusiyo ciddii ka ra’yi duwan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.