
Faarax Caydiid Jaamac (Bariis) oo ka mid ahaa saraakiisha qunsuliyada Itoobiya ee Garowe, ahaana khabiir dhanka amniga ah ayaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo.
Faarax Caydiid oo guri uu ka daganaa Laascaanood lagala baxay ayaa meydkiisa laga helay dooxada ceelka Goojacade, iyadoo ay ku yaalan xabado iyo jirdil, lagana qaatay teleefoonkiisii gacanta ka hor inta aan la dilin.
Sarkaalka la dilay ayaa Qunsuliyada Itoobiya ee Garowe ugu magacownaa la socodka iyo caawinta dadka Itoobiya ee safarka ah, waxaana shaqadaas loo dhiibay sanadkan 2025.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa weli ka hadlin dilka Laascaanood loogu gaystay sarkaalka sare ee ka tirsanaa qunsuliyada Itoobiya ee Garowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.