
Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal xooggan ka fuliyay buuraha Calmiskaad ayaa firxadkii mileeshiyaadka Daacish ka sifeeyay togga Moqor, halkaasi oo ay ku dileen xubno ka tirsan kooxdaasi oo ka cararay dhinaca Miraale.
Hawlgalka ciidanka ee togga Moqor oo bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayaa ku guulaystay in ay argagixisada ka sifeeyaan buuraha isku xira labada tog ee Miraale iyo Moqor, islamarkaana ay Moqor uga daba-tagaan firxadkii ka baxsaday hawlgalkii hore, kuwaasi oo hawlgalka lagu dilay.
Goor sii horraysay oo saakay ah, qoraal ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland hawlgal sifayn ah ka wadaan inta u dhexaysa labada tog ee Miraale iyo Moqor halkaasi oo ay u carareen baxsadkii mileeshiyaadka Daacish ee ka firxaday hawlgalkii hore.
“Ciidanku waxay saaka hawlgal ka wadaan inta u dhexeysa Miiraale iyo Moqor, Iyadoo ujeedku yahay sifeynta firxadka Argagixisada wixii u cararay dhinaca u rogan togga Moqor” ayaa lagu yiri qoraalkii saaka uu soo saaray xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.