
Duqeyn aad u xoog badan oo jugteeda dhul fog laga maqlay ayaa galabta ka dhacday aagga togga Miraale, halkaasi oo ay weli ku go’doonsan yihiin mileeshiyaad ka tirsan argagixisada Daacish ee shalay lagu jebiyay hawlgalkii Ceelka Miraale.
Jug culus oo ay xigtay qiiq iyo uuro weyn ayaa laga soo tebiyay aagga Miraale, halkaasi, oo ay ku dhuumanayaan firxadkii ka badbaaday mileeshiyaadkii Daacish ee shalay lagu laayay hawlgalkii dhulka ee ciidamada difaaca Puntland ku qaadeen ceelka Miraale islamarkaana kaga saareen kooxdaasi.
Bayaan ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland ayay ku xaqiijiyeen in duqeynta, oo ay fulisay dowladda Mareykanka lagu beegsaday firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee ka cararay hawlgalkii dhulka ee ciidamada difaaca Puntland kaga sifeeyeen inta badan togga Miraale, halkaasi oo ahayd Taliskoodii u danbeeyay ee Calmiskaad.
“Duqeyn ayaa qeyb ka ah hawlgalka Argagixisada Daacish looga sifeynayo Togga Miiraale, duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka, xagga dhulkana Ciidankeenna geesiyaasha ah ayaa xasuuqaya Argagixisada” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.