Calmiskaad: Ciidamada Puntland oo saaka la wareegay inta badan difaacyadii kooxda ISIS kaga jirtay Miraale

Ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan ku qaaday togga Miraale ayaa si buuxda ula wareegay inta badan difaacyadii firxadka ISIS ee ku harsanaa Miraale.

Dhiirranayaal ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal lug ah ku galay Miraale ayaa saaka ku guulaystay in ay difaacyadii ugu muhiimsanaa ee Miraale ka saaraan mileeshiyaadkii ISIS ee ku dhuumanayay toggaas, taasi oo ka dhigan in uu dhammaad yahay wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad.

Firxadkii ISIS ee difaacyadoodii ka cararay ayaa isugu ururay godad kooban oo la filayo in saacadaha soo socda laga nadiifiyo, waxaana saraakiil ka tirsan dowladdu sheegayaan in todobaadkan lagu dhawaaqi doono dhammaadka wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad.

PUNTLAND POST