Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn xalay ka dhacday degmada Aadan Yabaal oo Al-shabaab shalay qabsatay

Dowladda Soomaaliya oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in Xalay fiidkiii ciidamada dowladda iyo Taliska AFRICOM oo iskaashanaya hawlgal qorshaysan ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

“Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah. Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.”

“Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada isdaba joogga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamiga ah sida Mareykanka, si loo labo jibaaro gulufka ka dhanka ah cadowga Khawaarijta ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan deegaanada laga xoreeyay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Degmada Aadan Yabaal oo laba sanno ka hor laga saaray Al-shabaab ayay shalay dib u qabsadeen dagaallamayaasha kooxdaasi, kaddib dagaal adag oo ay halkaasi kula galeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa degaanka ee lagu magacaabo Macawisley.

PUNTLAND POST