Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo dilay mileeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo soo weeraray Daynuunaay

Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku sugan saldhiga Burjeedka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa saaka iska caabiyay weerar gaadmo ah, oo ay ku soo qaadeen mileeshiyaadka argagixisada Al-shabaab.

Argagixisada oo isku dayay in ay qabsadaan saldhiga Burjeedka, islamarkaana saddex jiho ka weeraray ciidamada Koonfur Galbeed ayaa la kulmay iska caabin xooggan, waxaana halkaasi looga dilay qaar kamid ah mileeshiyaadkooda, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay meydadka mileeshiyaadka argagixisada ah ee lagu dilay dagaalkii saaka, oo ay ku jiraan xubno ajaanib ah, taasi oo muujinaysa in argagixisada Al-shabaab ay weli yihiin khatar caalami ah, sida ay aaminsan yihiin falanqeeyaasha ammaanka.

Sidoo kale, boqollaal dadweyne ah oo taageersan guusha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka gaareen kooxda Al-shabaab ayaa saaka dul tegey meydadka mileeshiyaadkii lagu dilay saldhiga Burjeedka ee nawaaxiga Daynuunaay.

PUNTLAND POST