
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Kulan la qaatay qaar kamid ah Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-khaatumo, sida uu xaqiijiyay Garaad Jaamac Garaad Cali.
Garaadka guud ee SSC-khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali oo hoggaaminayay Garaadada uu qaabilay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, waxaana labada dhinac ka wada-hadleen arrima ku saabsan siyaasadda guud ee dalka iyo isbedellada ka socda degaannada Khaatumo.
“Waxaan ka qaybgalnay qado sharaf uu noo sameeyey Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ay igu wehelinayeen qaar ka mid ah Golaha sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali oo War ka soo saaray Kulankaasi.
“Qado iyo soo dhawayn kadib, Madaxweynaha waxaanu iskawaraysanay xaaladda guud ee dalka, isbedellada ka jira deegaanka, arrimaha mudnanta u leh SSC-Khaatumo iyo Jubbaland, iyo sidii loo xoojin lahaa ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.
Kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Golaha Sare ee SSC-khaatumo ayaa imaanaya xilli uu dhawaan magaalada Laascaanood booqday Ra’iisul Wasaare Xamse oo ay si weyn siyaasadda isugu hayaan Madaxrynaha Jubaland, kaddib markii Villa Somalia lagaga soo adkaaday Raaskambooni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.