
London (Wararka PP) — Guddiga Wakiillada Yuhuudda Biritayn ayaa si cad uga soo hor jeestay dagaalka ay Israa’iil dib uga billowday Gaza. Warqad ay saxiixeen 36 xubnood oo guddiga ka mid ah ayay ku caddeeyeen mowqifkooda. “Indhaha kama qarsan karno burburinta nolosha iyo hantida ka socota Gaza” ayay warqadda ku qoreen.
Waa markii kowaad oo Guddi saameyn leh oo taageera Israa’iil uu soo saaray warqad lid ku ah dagaalka isir suulinta ah ay Israa’iil ka waddo Falastiin gaar ahaan Gaza. Guddigu wuxuu ku eedeey Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu dhiirrigeliyay weerarrada lagu beegsanayo Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed.

300 xubnood ayuu ka kooban yahay Guddiga Wakiillada Yuhuudda Biritayn oo markii hore diiday inay si cad u dhaliilaan falalka naxariisdarrada ah ay Israa’iil ka geysanayso Gaza. 36 xubnood ayaa go’aansaday inay Warqad Furan qoraan. Warqadda waxaa lagu soo daabacay wargeyska Financial Times.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.