Boqor Burhaan oo soo dhoweeyey aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay maamulka SSCK 

Qardho (Wararka PP) —  Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa dowladda federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay aqoonsiga buuxa ay siisay maamulkii ku meelgaarka ahaa ee Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo. “Waxaan si xushmad iyo qaddarin leh u soo booqashadii uu Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ku tagay gobolka Sool, taas oo lahayd muhimad gaar ah. Sidoo kale waxaan soo dhoweynayaa in dowladda federaalku u aqoonsatay maamulka SSC Khaatumo dowlad goboleed la mid ah maamullada dalka ka jira.”

Boqor Burhaan oo ah hoggaanka dhaqameedka ugu sarreeya beesha Daarood wuxuu ku baaqay “in nabad lagu wado-noolaado, la ilaaliyo derisnimada iyo ehelnimada ka dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed dhinackasta oo ay jooggaan.”

© Puntland Post, 2025