Mareykanka oo cuna-qabatayn dhaqaale ku soo rogay hoggaamiyaal ka tirsan argagixisada Al-shabaab

Qoraal ka soo baxay waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in 7-da dal ee xubnaha ka ah xarunta la-dagaallanka maalgelinta argagixisada ay si wadajir ah u soo saareen magacyada 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo lagu soo rogay cunaqabateyn dhaqaale.

Tallaabadan oo ay lala kaashanayo Xarunta Bartilmaameedka Maalgelinta Argagixisada (TFTC), ayaa loogu talagalay in looga hortago in kooxda la xiriirka la leh al-Qaacida ay helaan shabakado maaliyadeed si ay u helaan maalgelin, una fuliyaan weerarro, una sii wadaan ficiladooda rabshadaha wata.

Xarunta la dagaalanka maalgelinta argagixisada (TFTC) oo la hirgeliyay may 2017 ayaa waxaa xubno ka ah Mareykanka, Baxreyn, Kuweyd, Cumaan, Qatar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta waxaana bartilmaameed u ah ka hortagga maalingelinta kooxaha argagixisada ah.

Al-Shabaab waxay sii waddaa in ay cabsi geliso oo ay baad ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku khasbeysaa beeraleyda inay siiyaan xoolo, waxayna afduubtaan dad rayid ah, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay waaxda maaliyadda dowladda Mareykanka.

PUNTLAND POST