
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada ayaa la wareegay 25 kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii SSC-khaatumo iyo Somaliland, sida ay shaaciyeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Khaatumo oo War-murtiyeed wadajir ah soo saaray.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo garwadeen ka ah barnaamij lagu nabadaynayo SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa maxaabiistan oo duruufo gaara leh ku celin doona Qoyaskooda oo ku sugan Somaliland, sida ku xusan War-murtiyeedka Wadajirka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-khaatumo ka soo saareen booqashadii Ra’iisul Wasaare Xamse ku tegey magaalada Laascaanood.
“Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, ayuu Maamulka SSC- Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka reer SSC-Khaatumo, kuwaas oo leh duruufo gaar ah, waxayna DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba” ayaa lagu yiri War-murtiyeedkaasi.
Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya oo tixgelinaysa go’aankii 6, Feb 2023 ka soo baxay odayaasha dhaqanka Khaatumo ayaa Maamul Goboleed Rasmi ah u aqoonsatay SSC-khaatumo, sida lagu sheegay Warmurtiyeedka wadajirka ah “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay Dowlad Goboleed lagu dhameystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho (Dastuurka).
Halkan ka akhriso Warmurtiyeedka



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.