Ciidamada Puntland oo maanta bilaabay hawlgal lagu dhammaystirayo wejiga saddexaad ee dagaalka Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa maanta si toosa u bilaabay hawlgal sifayn ah oo dhammaystir u ah wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad oo meel geba-gabo ah maraya.

Ciidamada dowladda Puntland oo horay u go’doomiyay firxadka yar ee weli buuraha Calmiskaad kaga harsan mileeshiyaadka Daacish ayaa maanta ku ruqaansaday godadka ay ku go’doonsan yihiin kooxda si ay firxadkooda sifayn guud ugu sameeyaan.

Sabtidii dowladda Puntland oo qoraal rasmi ah soo saartay ayaa ku dhawaaqday in ay qorshaysay hawlgal culus, oo ay weheliyaan duqeymo waaweyn, kaasi oo lagu dhammaystirayo sifaynta mileeshiyaadka kooxda Daacish, sida uu shaaciyay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Taliska ciidamada difaaca Puntland.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Taliska ciidamada difaaca Puntland ayuu ku shaaciyay hawlgalkan xooggan, waxaana uu digniin u jeediyay reer guuraaga ku nool buuraha Calmiskaad, kuwaasi oo dowladdu ku wargelisay in ay mudda 24 saac gudahood ah isaga baxaan nawaaxiga dhulka uu ka socdo hawlgalkaasi.

PUNTLAND POST