
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maamulka SSC-khaatumo lagu casumay Shirka soo socda ee Madasha Wada-Tashiga Qaran.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo khudbad ka jeediyay xarunta Baarlamaanka SSC-khaatumo ee Laascaanood ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si rasmi ah Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ugu marti-qaaday Hoggaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC—Khaatumo, Cabdiqaadir (Firdhiye) ayaa Laascaanood ka dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan degaannada maamulka SSC-Khaatumo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.