
Mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka (State Department) ayaa soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, islamarkaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta laga daad-gureeyo, kaddib markii ay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee Muqdisho.
Wargeyska New York Times oo xiganaya ilo wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in xubno kamid ah Waaxda Arrimaha dibadda (State Department) ay soo jeediyeen in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, islamarkaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta laga daad-gureeyo, sababo ammaan dartood, kaddib markii argagixisada Al-shabaab kaabiga u yimaadeen Muqdisho.
Mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka ee uu soo xigtay wargeyska New York Times ayaa xaqiijiyay in argagixisada Al-shabaab ay kaabiga u yimaadeen magaalada Muqdisho, kaddib dhaq dhaqaaqii ay dhawaanahan ka wadeen gobollada Shabeellooyinka ee deriska la ah Muqdisho, kuwaasi oo ay degaanno badan ka qabsadeen ciidamada dowladda.
Xubnahan ayaa Wargeyska u sheegay in walaac amni oo dhab ah loo qaadanayo dhaq dhaqaaqa sii kordhaya ee dagaallamayaasha As ka wadaan gobollada deriska la ah Muqdisho, sidaasi darteedna ay tahay in la xiro safaaradda Mareykanka lagana daad-gureeyo shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta ku sugan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.