Qaalib Baaruud: Saxaafadda iyo mas’uuliyiinta Puntland waxa ku jira shakhsiyaad xagjir ah oo neceb SSC-khaatumo

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo laga soo doorto gobolka Sool ayaa sheegay in saxaafadda iyo mas’uuliyiinta Puntland ay ku jiraan shakhsiyaad xagjira oo khatar gelinaya midnimada iyo wadajirka bulshada.

Xildhibaan Qaalib Xasan Baaruud oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in shakhsiyaadkaasi yihiin kuwa aan colaad iyo nabad midna wax ka tari karin oo mar kasta faafinaya afkaar ku dhisan nacayb iyo kala fogaynta bulshada Puntland iyo kuwa SSC-khaatumo.

Xildhibaan Qaalib Baaruud ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan koox af-duubtay magacii SSC-khaatumo, kuwaasi oo halgankii is daad-raaciyay, islamarkaana ka shaqeeyay isku dirka shacabka Puntland iyo SSC si ay xilal uga helaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ka digay in labadaasi kooxood dhibaato u horseedaan bulshada labada dhinac

“Saxaafada iyo lakabyada dowladda Puntland waxaa ku jira dad xagjir ah oo khatar ku ah jirtitaanka Puntland iyo mabaadi’dii Puntland lagu asaasay. Dadkaasi waa kuwo aan colaad iyo nabad midna Puntland wax ka tari karin. Haddana hadh iyo habeen waxa ay ka shaqeeya oo kaliya waa kala fogeenta dadka walaalaha ah.”

“Waa dhiga kooxda magaca SSC-Khaatumo afduubtay ee halgankii is daad raacisay, haddana isku dirka shacabka walaalaha ah, kurista Xamar iyo Laascaanood kaga raadinaya. Labada kooxoodba waxay khatar ku-yihiin wada-jirka shacabka Puntland iyo SSC-Khaatumo” ayuu yiri xildhibaan Qaalib Baaruud.

PUNTLAND POST