Soddon Guurada Buuggii Uu Jaamac Maxamed Qaalib Qoray

Intuusan geeriyoonin wuxuu Jaamac Maxamed Qaalib ahaa bare sare oo taariikhda siyaasadda Soomaaliya ka dhiga jaamacad ku taalla Muqdisho

Qaalib: “Waddaniyiin badan, sida tusaale bare-sare Ibraahim Maxamuud Abyan, oo 20 sano mucaad ku ahaa maamulklii ka taliska ayay miliishiyo beeleed ku sarqaansan colaadda Daarood-Hawiye si arxandarro ah u dileen.”

Mudisho (Faallo PP) — Jaamac Maxamed Qaalib, oo geeriyooday sanadkii 2022kii, wuxuu soddon sano ka hor qoray buug (The Cost of Dictatorship: The Somali Experience – “Khasaaraha Kelitalis: Waaya-aragnimada Soomaalida”) ku saabsan noloshiisii siyaasadeed 1960-1991kii. Buuggu wuxuu soo baxay 1994kii, sanad ka hor intuusan noqonin Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee maamulkii loo yiqiin Salballaar oo koonfurta Muqdisho uu 1995kii Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid kaga dhawaaqay.  

Qaalib wuxuu billowgii soddomaadkii qarnigii hore ku dhashay Sanaag. Wuxuu jiray 5 sano markii aabbiihiis geeriyooday. Wuxuu jiray 14 sano markii hooyadiis ay geeriyootay. “Qaangaar baan ku dhowaa markaas laakiin waan u ooyay si dadku maqli kareen. Dalkeenna ragga waaweyn waxaa laga filayaa inay dhabta nolosha iyo dhibaatooyinkeeda wajahaan oo dareenkooda xakameeyaan. Walaalkay oo 5 sano iga waynaa oo ooyaya intii tacsidu socotay ayaan arkayay” ayuu Qaalib qoray. Kaddib wuxuu u soo wareegay Haregysa inkastoo uu markii hore kaga cagajiiday: “Waa suurtaggal inaan ahaa wiil hooyo koolkoolisay laakiin ugu dambayntii waan baxay oo u bareeray nolosha magaalada.”

Dhammaadkii kontomaadkii qarnigii 20aad Qaalib waxaa loo diray kooras tababbar xirfadeed oo ka dhacayay degmada Sheekh. Halkaas wuxuu kuu sii kororsaday aqoontiisii af Ingiriiska oo wuxuu bartay xog sharciyeed sida Habraaca Xeerka Dambiyada, Xeerka Ciqaabta iyo Sharciga Caddeynta. Wuxuu kale oo tababbar u aaday London gaar ahaan degmada Hendon oo ay ku taallo meel booliska lagu tababbaro.

Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu Ra’iisal Wasaaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u sheegay inuusan wax shaqo ku yeelanin seejooyinka Hartiga ee Waqooyiga si la mid ah sida uusan kaalin ugu lahayn seejooyinka Koonfurta.

Midnimada 1960kii kaddib Aadan Cabdulle Cismaan ayaa loo doortay Madaxwenaha Soomaaliya. Qaalib wuxuu noqday Madaxa Sirdoonka. Shaqooyinka lagu xusuusto waxaa ka mid ah inuu fasax ka soo qaatay baarlamaanka Soomaaliya si hay’addiisu u dhegeysato telefoonka Safaaradda Itoobiya oo basaasiin Soomaali telefoonno u soo diri jireen. Hawlgalkaas wuxuu Qaalib ku burburiyay shebeked Soomaali ah oo Itoobiya xog u soo ururin jirtay. Xilkaas markii laga qaaday waxaa beddelay Faarax Sugulle.  Waxaa xusid mudan in Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu ahaa madaxii ugu horreeyay ee sirdoon Soomaalidu yeelatay.  

“Una Lista Unica”

Qaalib wuxuu ka faalloonayaa sida dowladdii rayidka ugu dambaysay (1967-1969) gacanta ugu wada haysay maamulka siyaasadda dalka. Doorashadii ugu dambaysay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Yasiin Nuur Xasan Bidde, oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha waxay u sheegeen Ra’iisal Wasaaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal inuusan wax shaqo ku yeelanin seejooyinka Hartiga ee Waqooyiga “si la mid ah sida uusan kaalin ugu lahayn seejooyinka Koonfurta”. 

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan wuxuu ka dhowray SYL inuu noqdo xisbi aan lala tartami karin.

Xisbiga talada hayay, SYL, waqtigaas wuxuu dejiyay hab doorasho oo loo yiiqiin una lista unica, oo awood u siinayay SYL in qofka ay doonayaan oo keliya uu seejo ka tartarmi karo. Ku falaadka dimuqraadiyadda uu taliskii Cabdirashiid iyo Cigaal geystay ayay askartii xukunka qabsatay 21kii Oktoobar 1969kii u cuskadeen sabab lagu baabbi’yay xisbiyadii siyaasadda ka jiray Soomaaliya.

Ra’iiisal Wasaare Cigaal wuxuu u hoggaansamay amarkii SYL ka dhigayay xisbi aan lala tartami karin.

Dowladdii Kacaanka ayaa Qaalib u magacawday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed billowgii toddobaatanaadkii.  Qaalib waxba kama qorin sida taliskii kacaanku uga faa’iidaystay xogtii sirdoonkii dowladda rayidka hayeen. Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre tallaabadii kowaad uu qaaday Janaayo 1970kii waxay ku saabsanayd la wareegista qoraalladii yaallay xafiiska sirdoonka. Qoraalladaas waxay fursad u siiyeen Siyaad Barre inuu ogaado dadka warbixinnada ka soo qori jiray intuu ahaa taliyihii ciidanka xoogga dalka; inta jeer ay madaxdii dowladdii rayidku ka hadleen  isaga. Xogtaas waxaa isku shaandheeyay dad uu ku kalsoonaa oo kaashanayay dad af Talyaaniga yaqaanna oo gorfaynayay galalka xogta sirdoonka oo dhammaantood af Talyaani ku qornaa.

Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre wuxuu gacanta ku dhigay galalkii sirdoonka Soomaaliya intii u dhexeysay 1dii Luulyo 1960 ilaa 21 Oktoobar 1969kii.

Dowladdii kacaanka ayaa Qaalib u magacawday Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga. Markaas kaddib xil kale looma dhiibin. Qaalib wuxuu ka sheekaynayaa sida rag ka mid ahaa ururkii Somali National Movement ula soo xiriireen isaga. Xogaha ay isdhaafsadaan wuxuu ku qarin jiray sanduuq uu ku lahaa naadi goolafka lagu ciyaari jiray oo ku yiil safaaraddii Maraykanka ee Muqdisho. Marar badan ayuu Qaalib ka fekeray in sirdoonka Soomaalida ay iska soo dhigi karaan xubno naadiga ka tirsan si ay u jabsadaan sadquuqa una helaan xogta ku saabsan ururkii SNM. Aad buu uga feejignaa in taasi dhacdo. Xirfaddiisii sirdoonnimo baa caawinaysay. Si kooban ayuu Qaalib wax uga qoray gaboodfalladii taliskii kacaanku geystay. Qaalib wuxuu ka soo horjeeday isku dayga kala goynta Soomaaliya oo si aan ka fiirsasho lahayn Burco looga dhawaaqay 18kii Maajo 1991kii. Inkastoo uu ahaa siyaasi saameyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya muddo dheer, buuggiisu runta wuu ka kaga dhow yahay kuwa ay qoraan taariikhyahannada iyo xeeldheerayaasha culuunta siyaasada oo Soomalida ah badankood, gaar ahaan kuwa wax ka qorayay Soomaaliya kaddib 1990kii.

Taliskii kacaanku wuxuu soo saaray warqaddii Kowaad ee Kacaanka si uu u baabbi’yo xisbiyada siyaasadda.

Qaalib wuxuu soo bandhigay dood saameyn weyn leh oo dulucdeedu tahay sidan: “Waddaniyiin badan, sida tusaale bare-sare Ibraahim Maxamuud Abyan, oo 20 sano mucaarad ku ahaa maamulkii kelitaliska, ayay miliishiyo beeleed ku sarqaansan colaadda Daarood-Hawiye si arxandarro ah u dileen.” The Cost of Dictatorship waa buug dib u akhrin badan u baahan si loo fahmo sida laablakac, awood-urursi iyo isla-xisaabtan la’aan ay u yihiin sababaha ugu waaweyn ay Soomaalidu ugu heshiin la’dahay nabad ku wada noolaansho.

© Puntland Post, 2025