
Agaasimaha cusub ee Xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa loo magacaabay suxufi Ibraahim Maxamuud Yuusuf, kaddib markii agaasimihii hore ee xafiiskaasi lagu helay shaqa-xumo iyo xil gudasho la’aan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sida ku qoran dikreeto uu soo saaray waxa uu xilka qaadis ku sameeyay agaasimihii hore ee xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka Puntland Cabdiweli Gooni, kaddib markii lagu helay eed ku saabsan shaqa-xumo iyo xil gudasho la’aan.
Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed ayaa sidoo kale agaasimaha cusub ee xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka Puntland, waxa uu u magacaabay Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo ah suxufi dhawr iyo tobankii sano ee u danbaysay ka soo shaqeeyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.