
Dowladda Puntland oo baaq deg deg ah soo saartay ayaa ku dhawaaqday in abaar iyo biyo la’aan baahsani ka jirto dhammaan gobollada iyo degaannada Puntland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda Puntland ayay ku sheegtay in ay jirto abaar iyo biyo la’aan daran oo saamaysay dhammaan degaannada Puntland.
“Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada puntland taas oo sababtay biyo la’aan baahsan oo saamaysay dhammaan gobolada iyo deeganada puntland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowladda Puntland, waxay ka dalbatay bah-wadaagta hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada in ay gurmad iyo biya-dhaan deg deg ah gaarsiiyaan degaannada abaartu saamaysay, waxaana ay sheegtay in ay ku hawllan tahay ka hortagidda khatarta abaaraha iyo biya la’aanta jirta.
“Wasaarada ayaa ugu baaqaysa hay,adaha bah wadaagta la,ah ee ka shaqeeya arimaha bini,aadanimada inay kawada qayb qaataan sidii Gargaar biyo dhaan ah loogu samayn lahaa dadka ay saamaysay abaartu .Wasaaradda ayaa ku hawlan sidii looga looga hortagi lahaa khataraha ka dhalankara abaaraha iyo biyo yarida ee ka jira deegaanada puntland” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.