Puntland oo ka walaacsan Roob-yari iyo abaar laga cabsi qabo sannadkan

Hay’adda xogta dhulka iyo biyaha u qaabilsan Puntland ee IMAC ayaa shaacisay in degaanadda Puntland ay wajahayaan sannadka roob yari iyo daahitaan ku imaanaya xiligga la filanayay di’itaanka roobabka guga.

Roobka gu’ga ayaa la filayay in uu bilowdo dhamaadka bisha Maarso ee sannadkaan, balse waxa uu bilaaban doonaa wixii ka danbeeya 10-April, xaddi ahaana wuxuu ka yaryahay celceliska roobabkii la heli-jirey sannadihii hore.

Hay’adu waxay sheegtay in tani ay ka dhalan-doonto abaar iyo biyo yari saamayn ku yeelata nolosha dadka iyo xoolaha Puntland oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee dadkeenu ay ku tiirsan yihiin.

Waxay ku baaqday hey’ada IMAC in dadku ay tashiilsadaan biyaha, sidoo kalena ay kaydsanaan wixii cuno ah oo ay heli-karaan, xoolaha loo diyaarsho calaf, caws iyo wixii kale ee loo awooda si abaarta iyo biyo yaridda sannadka jiri-doonta ay uga samata-baxaan.

PUNTLAND POST