
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta Wasiirka Gaashaandhigga DFS ayaa sheegay in uu dhawaan socdaal qorsheysan ku tegi doono magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.
“Booqashada aan ku tagi-doono Laas-caanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka SSC Khaatumo,maahan mid wax loogu dhibayo maamul iyo deegaanka Soomaaliyeed, bal waa mid la isugu soo dhaweeynayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan u diyaarsanyihiin in ay soo arkaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, isagoo ugu mahadceliyey reer Khaatumo niyad wanaagga ay u qabaan socdaalka wafdiga Xukuumadda ee deegaannada SSC Khaatumo.
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka socda diyaar garow ku aadan soo dhaweynta Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyadoo Magaalada iyo daafaheeda lagu arkayo boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul Wasaare Xamse.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.