Puntland iyo Mareykanka oo maanta Boosaaso ku yeelanaya Shir ku saabsan Ammaanka iyo La-dagaallanka Argagixisada

Sawirkani waa 2020 Puntland iyo AFRICOM

Wefdi sare oo ka socda Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa maanta booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Boosaaso, halkaasi oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo imaanaya Boosaaso ayaa lagu wadaa in ay Madaxweyne Siciid Deni la yeeshaan Shir ku saabsan Arrimaha Ammaanka iyo La-dagaallanka Argagixisada, gaar ahaanna Hawlgalka ka dhanka ah mileeshiyaadka ISIS.

Shirka labada dhinac ee Puntland iyo Mareykanka oo looga arrinsanayo Ammaanka iyo La-dagaallanka Argagixisada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya duqeymaha ka dhanka ah kooxda ISIS, is dhaafsiga Xogaha Sirdoonka ee labada dhinac iyo Xoojinta Taageerada Mareykanku siiyo Puntland.

Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale sheegaya in Mareykanku danaynayo in uu Wada-shaqayn toos ah oo aan soo marin Villa Somalia uu Puntland kala yeesho iskaashiga dhinaca La-dagaallanka Argagixisada ISIS iyo AS.

PUNTLAND POST