
Gaalkacyo (Faallo PP) —Sanadkii 1993kii Jeneraal Caydiid, Cabdullaahi Yuusf iyo Cali Ismaaciil ayaa heshiis ku kala saxiixday Muqdisho Heshiisku wuxuu soo gabagabeeyay colaaddii Gaalkacyo. Wuxuu ahaa heshiis tusaale u noqday in hoggaamiyayaal siyaasadeed ay xal siyaasadeed ka gaari karaan colaad. Gaalkcayo waxay mar kale noqotay degmo nabad lagu wada deggan yahay. Labada maamul hadda ka kala taliya Gaalkacyo (Galmudug iyo Puntland) waxay si kalsooni leh iskaga kaashadaan la dagaallanka argaggixisada iyo kooxaha carqaladeeya nabadda.
Waxaa yaab leh inay soo noqnoqdeen colaado ka dhaca duleedka Goldogob oo dhexmara beelo hore ugu heshiiyay Mudug. Miyay colaaduhu caddeynayaan in heshiiskii Gaalkaacyo la jebiyay mise dadka Mudug hadda ku wada nool ayuusan heshiisku macne u lahayn?
Heshiiskii Gaalkacyo qodobbadiisa oo dib loogu noqdo si loo ogaado cidda leh mas’uuliyadda cooladda ka socota duleedka Goldogob ayaa fiicnaan lahayd. Maanta ma aha maalin hoos loo hadlo ama la is xanto. Colaad si geesinimo leh ayaa looga hadlaa si xal looga gaaro.
Sida muuqata maamullada Galmudug iyo Puntland way u taag la’ yihiin ciidammo beeledyada ku dagaallamaya duleedka Goldogob. Yaa diiddan amarrada labada maamul bixiyaan si looga hortago colaadda duleedka Goldogob? Maxaa sababay in colaado aan hore deegaankaas uga dhici jiran ay hadda ku soo noqnoqdaan? Ma qodobbo ka mid ah heshiiskii Gaalkacyo ee 1993kii ayaa la jabiyay? Waa su’aalo wax badan iftiimin kari lahaa oo asaas u noqon lahaa dadaallo colaadda duleedka Goldogob lagu soo afjarayo lagagana hortagi karo inay dib ugu soo noqdaan duleedka Goldogob.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.