
Firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee ku dhuumanayay togga Miraale ayaa bilaabay in ay si habqan ah isugu dhiibaan ciidamada difaaca dowladda Puntland, kaddib markii jiho kasta laga go’doomiyay.
Saddex xubnood oo ka tirsan firxadkii kooxda Daacish ee ku dhuumanayay ceelka Miraale oo baxsad ah ayaa isu dhiibay dad reer miyi ah, kuwaasi oo iyana ku wareejiyay ciidamada difaaca Puntland, waxaana la filaya in saacadaha soo socda dowladdu soo bandhigto.
Saddexda xubnood oo ka kooban ajaanib dhammaantood u dhashay dalka Itoobiya ayaa ka baxsaday firxadkii argagixisada ee lagu duqeeyay ceelka Miraale, kuwaasi oo noqday wax dhintay iyo wax go’doonsan oo ciidamada ku hareeraysan, oo aan meel ay ka baxsadaan haysan.
Xubin kamid ah kuwa is dhiibay ayaa sheegay in mileeshiyaadkoodii noqdeen wax dhintay, wax go’doonsan iyo habqan kala lumay oo weli buuraha soo huddamaya, kuwaasi oo aan jiho iyo meel laga jiro aqoon kuna sugan xaalad dabandeeb ah.
Dhinaca kale, ciidamada difaaca Puntland oo shalay hawlgal ka sameeyay togga Miraale ayaa soo arkay meydad badan oo daadsan goobihii diyaaraduhu duqeeyeen, oo ay ka carareen firxadka kooxda, waxaana halkaasi loogu tegey awr ay gaadiid ahaan u isticmaali jireen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.