Xiisadda colaadeed ee Somaliland iyo SSC-khaatumo oo cagaha la gashay afduub qabiilaysan

Xiisadda colaadeed ee ka taagan xuduudka Somaliland iyo SSC-khaatumo ayaa weji horleh gashay, kaddib markii ciidamada labada dhinac bilaabeen in ay afduubtaan dadka rayidka ah ee ka soo kala jeeda beelaha deriska ah.

Ciidamo beeleed ka tirsan Somaliland oo ku sugan degaanka Bohol ee gobolka Sool ayaa shalay qafaashay dad rayid ah oo ka soo jeeda dhinaca degmada Xuddun ee gobolka Sool oo hayb ahaan u dhashay beelaha SSC-khaatumo, kuwaasi oo haatan ku afduuban magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Sidoo kale, ciidamo beeleed ka soo jeeda SSC-khaatumo oo ka jawaabaya afduubkii hore ayaa dhankooda qafaashay dad rayid ah oo u dhashay Somaliland, taasi oo muujinaysa in colaadda labada dhinac isu rogtay colaad qabiil oo saamaysay beelaha deriska ah ee wada deggan.

Dhinaca kale, furimaha dagaalka oo ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee Somaliland iyo kuwa SSC-khaatumo ayaa laga soo sheegaya diyaar garow dagaal oo waayadan socda, kaddib markii Somaliland bilowday in ay ciidamo ku soo daabusho jiidda.

PUNTLAND POST