
Duqeymo is xigay oo ay fulisay dowladda Mareykanka ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay ceelka Miraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay weli ku dhuumanayaan firxadkii ka baxsaday mileeshiyaadka Daacish ee lagu jebiyay hawlgalkii togga Jeceel.
Saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku sugan furimaha dagaalka Calmiskaad ayaa soo sheegay in ay maqleen dhawaqa duqeyn xooggan oo duhurnimadii maanta ka dhacay ceelka Miraale, kuwaasi oo lagu beegsaday mileeshiyaad firxad ah oo kamida argagixisadii jabtay ee Daacish.
Goob-joogayaal ku sugan degaanno ka baxsan Miraale ayaa sidoo kale soo tebiyay in ay maqleen jug culus oo xiriir ah islamarkaana arkeen qiiq iyo uuro madow oo samada isku shareeray kaddib markii duqeymo is xiga lagu garaacay ceelka Miraale iyo nawaaxigiisa balse faahfaahin intaasi ka baxsan lagama hayo khasaaraha gaaray argagixisada.
Dowladda Mareykanka oo dhawaanahan sare u qaadday duqeymaha ay ka fulinayso buuraha Calmiskaad ayaa sida wararku sheegayaan fulisay duqeymaha maanta ka dhacay togga Miraale, kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay haleeleen bartilmaameedyo sugan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.