
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa galabta dadweynaha Caasimada Garoowe kala qayb galay banbax ay Shacabku munaasabadda Ciidul-fitriga darteed ku taageerayaan Ciidamada Geesiyaasha ah ee Puntland ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada, kuwaasi oo hadda Argagixisada Daacish ka sifeynaya buuralayda Calmiskaad.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo la hadlay shacabweynaha oo isugu soo baxay garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare Stadium, wuxuu ku boggaadiyey garab istaaga ay u muujinayaan Ciidanka iyo doorka ay ka qaateen hawlgalka, isagoo ugu baaqay in ay halkaasi kasii wadaan taageerada maadaama weli hawlgalku socdo.
Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku xusay in Argagixisadu meel walbo oo ay joogto ay tahay in lala dagaalamo oo la ciribtiro, isagoo sheegay in hadda Dowladda Puntland masuuliyada koowaad ee saaran ay tahay marka hore in Argagixisada ka ciribtirto dhulka Puntland oo dhan.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda , Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe , saraakiisha Amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimada Garoowe.
Halkaan ka eeg Sawirada











PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.