Gen. Axmed Cabdullaahi Shiikh oo dhawaan loo magacaabayo agaasimaha guud ee hay’adda La-dagaallanka argagixisada ee Puntland

Gen. Axmed Cabdullaahi Shiikh

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu dhawaan dhiso hay’ad qaabilsan La-dagaallanka argagixisada iyo dhaqancelinta xubnha ka soo baxa kooxahaasi.

Warar sugan oo ay soo dusiyeen ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijinaya in madaxweyne Deni uu dhawaan hirgelin doono hay’ad qaabilsan La-dagaallanka argagixisada iyo dhaqancelinta xubnaha ka soo baxa argagixisada.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale la filayaa in uu Gen. Axmed Cabdullaahi Shiikh u magacaabo agaasimaha guud ee hay’adda La-dagaallanka argagixisada iyo dhaqancelinta xubnaha ka tanaasula fikirka argagixisada, sida ay soo dusiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

PUNTLAND POST