
Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Shiikh Ahmed, Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Warmurtiyeed wadajir ah soo saaray ayaa soo dhaweeyay gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Shiikh ugu baaqay hoggaamiyaasha siyaasadda iyo kuwa bulshada ee dalka.
“Waxaan soo dhaweyneynaa gogosha wadatashi ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waxaana u aragnaa in ay tahay tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday. Halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.”
“Haddaba, si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo, ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha” ayay Warmurtiyeedkooda ku sheegeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Ahmed, Ra’iisul Wasaare hore, Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Hadalkooda ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbadda munaasabadda Ciidul Fitriga uu ku dhawaaqay in uu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada, si ay qeyb uga noqdaan dadaalka dowladdiisa ee ku jihaysan ciribtirka mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.