Mareykanka iyo Puntland oo ka warbixiyay khasaaraha duqeymihii shalay ka dhacay Calmiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) oo xalay warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay in ay Sabtidii duqeymo kala duwan ka fuliyeen degaanno koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ku sugan yihiin mileeshiyaad ka tirsan Daacish.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo si kooban u soo saaray qiimayn hordhac ah ayaa sheegay in tiro kamid ah dagaallamayaasha Daacish lagu dilay duqeymahan, islamarkaana aysan jirin wax khasaaare ah oo rayidka ka soo gaarin “qiimaynta hordhac ah waxay muujinaysa in tiro kamid ah dagaallamayaasha Daacish ku dhinteen duqeymaha islamarkaana aysan jirin cid rayid ah o waxyeello ka soo gaartay” ayuu yiri Taliska AFRICOM.

Dhinaca kale, bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka ciidamada difaaca Puntland ee Calmiskaad ayaa lagu sheegay in mileeshiyaadka Daacish lagu beegsaday duqeymo xooggan oo ay fuliyeen saaxiibada Puntland ee Mareykanka gaar ahaanna Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM).

Dowladda Puntland waxay sheegtay in duqeymahaasi oo ka dhacay degaanno jihada koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso ay sababeen khasaare gaaray mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, waxayna intaasi raacisay in dib laga sheegi doono faahfaahinta khasaaraha rasmiga ah ee gaaray dagallamayaasha argagixisada ah.

PUNTLAND POST