Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol u fidiyay Hoggaamiyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbadda munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa ku dhawaaqay in uu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada, si ay qeyb uga noqdaan dadaalka dowladdiisa ee ku jihaysan ciribtirka mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab.

“Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah, kuna shaqeyso dastuurka iyo sharciyada inoo dagsan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Hoggaamiyaasha siyaasadeed waxaan uga mahadcelinayaa garashadooda wanaagsan, ee inaan khawaarijta isku haysanin afkaar siyaasadeed, ee aan isku haysano jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, waxaan soo dhaweyneynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo midnimadeenna” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh sii raaciyay Hadalkiisa.

Baaqyada maalmihii u dambeeyay ka imaanayay Xubnaha Mucaaradka iyo Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ayaa loogu jeedinayay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dhigo gogol qaran oo looga arrinsado xaalada cakiran ee siyaasadda gudaha, isla markaana Madaxweynuhu furo Saaxadda siyaasadda (Political Space) si dalka uu Midnimo Qaran ugu wajaho la dagaalanka Argagixisada.

PUNTLAND POST