Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo xalay hawlgal ku dishay in ka badan 20 xubnood oo Shabaab ah

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA oo kaashanaysa Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegtay in ay xalay fulisay hawlgal duqeyn ah, oo ay la beegsatay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ee NISA ayay ku sheegtay in ay hawlgalkaasi, oo ay ka fulisay degaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe in ay ku dishay ilaa 21 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Al-shabaab.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo iskaashanaya ayaa caawa howlgal duqeyn ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ku dileen ilaa 21 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab.”

“Hawlgalkan lagu beegsaday Khawaarijta ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo lagu guuleystay in hal goob lagu soo afjaro nolosha dhammaan xubnihii Khawaarijta ee bartilmaameedka u ahaa Ciidanka Qaranka ee howlgalka fuliyay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka NISA.

PUNTLAND POST