Danjire James Swan oo si rasmi ah loogu magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa xalay si rasmi ah ugu magacaabay danjire James Swan in uu noqdo wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawgalka UNTMIS.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Qaramada Midoobey ayuu ku sheegay in Xoghayaha guud, António Guterres uu si buuxda ugu magacaabay danjireJames Swan in uu noqdo wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawgalka UNTMIS.

Danjire James Swan oo hab ku meel gaar ku joogay xilkaasi wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka UNTMIS ayaa hadda si buuxda shaqadiisa u gudanaya, kaddib markii si rasmi ah uu u magacaabay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

Danjire Swan waa khabiir aqoon dheer u leh hawlaha diblomaasiyadda, wuxuuna horey uga tirsanaa Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Wuxuu aqoon durugsan u leeyahay xaaladaha cakiran ee Soomaaliya, isaga oo soo noqday danjirihii ka shaqeeyay doorashadii 2022 markii uu Farmaajo xilka isku dhejiyay Madaxweyne hore Farmaajo.

PUNTLAND POST