
Siyaasi Axmed Shire Yaasiin oo ka tirsan mas’uuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Mideeye, oo ay maalmo ka hor xirtay xukuumadda Siciid Deni ayaa habeenkii saddexaad u hoyanaya xabsiga magaalada Garoowe.
Xukuumadda madaxweyne Deni oo bilowday beegsiga siyaasiyiinta ka ra’yi duwan ee ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ayaa Arbacadii garoonka diyaaradaha Garoowe ka xirtay siyaasi Axmed Shire Yaasiin, oo aysan laamaha amniga Puntland ilaa iyo hadda sheegin eedda loo haysto.
Xisbiga Mideeye oo bayaan ka soo saaray beegsiga xukuumadda Deni ku samaysay mas’uulkan ka tirsan xisbigooda ayaa si adag u cambaareeyay xarigga Axmed Shire, oo ay ku tilmaameen mid siyaasadaysan oo ka dhan ah siyaasiyiinta iyo xisbiyada ka ra’yi duwan madaxweyne Deni, si loo aamusiyo codkooda.
Xisbiga Mideeye wuxu sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah oo shuruud la’aana loo sii daayo siyaasi Axmed Shire, maadaama lagu haysto in uu ka tirsan yahay xisbi ka ra’yi duwan dowladda, balse aysan jirin eed uu galay oo ay sheegeen laamaha amniga Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.