Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta safar ugu baxay dalka Turkiga kaddib marti qaad uu ka helay Madaxweyne Erdogaan

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga,  Rajab Dayib Erdogaan.

“Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta” ayay sheegtay Villa Somalia.

“Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka” ayay sii raacisay Madaxtooyada Soomaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalin ka hor ka soo laabtay furimaha dagaalka Gobolka Shabeellada dhexe ayaa dalalka dibadda taageero uga raadinaya dagaalka ka dhanka ah dagaallamayaasha Al-shabaab oo culays soo saaray Gobollada Shabeelooyinka ee deriska la ah magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST