Ciidamada Puntland oo meydad badan oo Daacish ah ugu tegey goobihii habeen ka hor Mareykanku duqeeyay

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa gudaha u galay degaanka Aleelo-yar oo ka tirsan togga Miiraale, oo kamid ah goobihii Mareykanku duqeeyay habeen ka hor, halkaasi oo khasaare xooggan lagu gaarsiisay mileeshiyaadka Daacish.

Xafiiska Warbaabinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidanku maanta gudaha u galeen degaanka Aleelo-yar oo ka tirsan togga Miiraale, oo kamid ah goobihii Mareykanku duqeeyay habeen ka hor, halkaasi oo khasaare xooggan lagu gaarsiisay mileeshiyaadka argagixisada ah.

Xafiiska Warbaahinta ee ciidamada difaaca Puntland waxa uu sheegay in degaanka Aleelo-yar ciidamadu ugu tageen meydadka mileeshiyaadkii Daacish kaga dhintay duqeynta, hub iyo agab kale”Ciidanku waxay gudaha u galeen deegaanka Aleelo-Yar oo habeen hore Maraykanku duqeeyay, waxay ka tirsantahay Togga Miiraale, waxay halkaasi Ciidanku ugu tageen Maydadka Argagixisada Daacish, Hub iyo Agabkale.”

PUNTLAND POST