Xukuumadda madaxweyne Deni oo bilowday beegsiga siyaaasiyiinta ka ra’yi duwan

Siyaasi Axmed Shire

Xukuumadda madaxweyne Siciid Deni oo bilowday in ay beegsato siyaasiyiinta ka ra’yi duwan ayaa maanta xabsiga dhigtay siyaasi Axmed Shire Yaasiin oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Mideeye.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbi siyaasadeedka Mideeye ayaa lagu xaqiijiyay in xukuumadda Puntland ay xabsiga dhigtay Axmed Shire Yaasiin oo ka tirsan xisbiga Mideeye, kaasi oo maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Xisbiga mucaaridka ah ee Mideeye ayaa si adag u cambaareeyay xarigga siyaasigaasi oo uu ku tilmaamay mid sharciga ka baxsan” Xisbiga Mideeye wuxuu si adag u cambaaraynayaa xarigga sharci-darrada ah ee loo geystay Mudane Axmed Shire Yaasiin oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga.”

“Mudanaha ayaa si aan waafaqsanayn sharciga loogu xiray Garoonka Diyaaradaha Garoowe, iyada oo aan la sheegin wax denbi ah oo uu galay.Waxaan si cad u muujinaynaa in xariggaas uu yahay mid baalmarsan xeerarka dalka u yaalla, maadaama uusan jirin wax denbi ah oo lagu eedeeyey Mudabe Axmed Shire Yaasiin” ayuu sii raaciyay Mideeye.

Xisbi siyaasadeedka Mideeye oo ka digay xarigga siyaasadaysan ee dowladu ku caburinayso xisbiyada mucaaridka ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo  Axmed Shire Yaasiin, islamarkaana xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

“Hab-dhaqanka ay dowladda hadda jirta la timid wuxuu u egyahay midkii kaligii-talisyada oo aan oggolayn isla-xisaabtan iyo sixid , isla markaana aan tixgelinayn sharciga iyo xuquuqda muwaaddiniinta. Xisbiga Mideeye wuxuu ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah, loo sii daayo Mudane Axmed Shire Yaasiin, xoriyaddiisana dib loogu soo celiyo “

“Ma aqbalayno in Puntland ay ku dayato dhaqanka laga soo min-guuriyay Somaliland, oo qof kasta oo caasimadda Soomaaliya taga la xiro. Puntland waa in ay dhowrto dastuurkeeda iyo xeerarka u yaalla, ayna xaqiijiso xornimada muwaadiniinteeda iyo wada-noolaanshaha bulshada” ayuu intaasi ku daray xisbiga Mideeye.

PUNTLAND POST