
Wiil da’diisa lagu sheegay 18 sanno jir ah oo ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed, kaasi oo ka shaqaysan jiray dhaqidda baabuurta ayaa saaka lagu dilay magaalada Garoowe.
Askari ka tirsan Ilaalada Hotel Taleex ee magaalada Garoowe ayaa toogtay Mustafe Manuur oo baabuur Leyla-Calaawi ah ku dhaqayay bannaanka hore ee Hotelka, waxaana goobta laga qaaday meydka marxuumkaasi oo rasaas badan jirkiisa ka muuqato, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal.
“Nin ka tirsan ilaalada Hotel Taleex oo hubaysan ayaa marxuumka qori ku qabtay waxaana uu ku amaray in uu joojiyo dhaqidda baabuurka haddana wuxu markiiba ku furay tacshiirad waxaana meesha laga soo qaaday meydkiisa oo ay rasaas badan ka muuqato” ayuu yiri ku warbixiyay goob-jooge ku sugnaa iridda Hotel Taleex markii dilkaasi dhacayay.
Waa marxuumkii labaad ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo mudda todobaad gudihiis ah lagu dilay magaalada Garoowe waxaa ka horreeyay marxuum Cabdimaalik Xuseen oo lagu dilay goob Tima-jare ah islamarkaana aan weli la soo qaban eedaysanihii dilkaasi geystay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.