Dabley hubaysan oo aroornimadii hore ee saaka weerartay saldhiga bartamaha Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saaka dabley hubaysan oo ka caraysan hub xalay laga qabtay ay weerartay saldhiga bartamaha Boosaaso.

Dhawaqa rasaas xooggan oo laba dhinac ah ayaa hiirtii waaberi laga maqlay saldhiga bartamaha Boosaaso, halkaasi oo xalay la geeyay hub laga soo qabtay gudaha Boosaaso kaasi oo ay laamaha ammaanka gobolka Bari ku tilmaameen mid kotorabaan ah.

Sarkaal ka tirsan Booliska gobolka Bari oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay saldhiga bartamaha Boosaaso weerareen koox xalay laga qabtay hub kotorabaan ah islamarkaana weerarkaasi ay iska caabiyeen ciidamada ammaanka balse uu jiro khasaare ka dhashay dhacdadaasi.

PUNTLAND POST