
Garoowe (Faallo PP) — Dhowaan Ra;iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo meel ka hadlay ayaa sheegay in Maraykanku danaynayo dekedda Berbera. Fikrad taas la mid ah waxaa dhiibtay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, oo mar ahaa Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya. Labadooduba waxay muujiyeen inaysan aad u fahansanayn in Maraykanku uusan doonaynin inuu lugaha la soo galo dal dagaallo muddo dheer ku jiray oo burbur dowladeed la kulmay 1991kii.
Maraykanku wuxuu mar saldhig yar ku lahaa meel ka tirsan Eritreeya markii ay ka mid ahayd Itoobiya. Meeshaas waxaa loo yaqaannaa Kagnew Station. Sababihii Maraykanku uga maarmay saldhiggaas waxaa ka mid ahaa in teknoolajiyada dayaxgacmeedyadu sahashay xog ururin. Hadda Maraykanku wuxuu saldhig ku leeyahay Jabuuti oo ah dal xasiloonni siyaasadeed ay ka jirto; Afrika wuxuu Maraykanku saldhigyo yaryar ku leeyahay Gaana, Senagal iyo Gaboon. Soomaaliya Maraykanku wuxuu ka joogaa Koonfurta, mana ka hor iman karo siyaasadda dowlada federaalka Soomaaliya. Waxaa xusud mudan in Maraynkanku si adag uga hor yimid heshiiskii Is afgard ee badda uu maamulka goosasho-doonka Somaliland la galay Itoobiya 2024kii.
Dhowaan Marco Rubio, Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa sheegay in saameynta dalkiisa loo adeegsaday si lid ku ah danaha Maraykanka. Baabi’inta hay’adda USAID iyo idaacadda Codka Maraykanka (VOA) ayaa ka mid ah tallaabooyinka maamulka Madaxweyne Donald Trump qaaday kaddib markii uu ogaaday in Shiinuhu kaga dheereeyay Maraykanka maalgelinta tooska ay labada dal geliyeen Afrika 2013kii- 2022kii.

Waa siyaasadda dalka Biritayn tan u eg mid halis ku ah danaha Soomaaliya waayo dhowaan dalka Biritayn wuxuu, isaga oo aan oggolaansho ka helin dowladda federaalka Soomaaliya, sheegay inuu maalgalinayo Dekedda Berbera hase ahaatee maalgelintaas weli si sharci uma dhaqangelin; waa ballanqaad ku xiran xaaladda siyaasadda iyo amniga Geeska Afrika.

Dowladda Biritayn waxay ku qortay boggeeda hadal loo fasiran karo inay u aragto Somaliland dal ka go’ay Soomaaliya. Taasi waa jebinta sharciga caalamiga oo ay dowladda Biritayn ku kacday. Mashruucii Berbera Corridor, oo ay Biritayn ku doonaysay in Itoobiya ay kaga maaranto Jabuuti, ayaa xirmay kaddib markii Itoobiya sheegtay inaysan doonaynin deked ay wax kala soo degto ayse doonayso deked ay leedahay. Dowladda Biritayn way ka soo horjeesatay heshiiskii is afgarad uu Muuse Bixii la saxiixday Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya 2024kii.
Waa dhab in xil ka saaran yahay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hadasho xadgudubyada Biritayn iyo Taiwan ku samaynayaan qarannimada Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya way ku guulaysatay inay ku qasabtay Itoobiya ka noqoshada heshiiskii is afgarad ay doonaysay in Lughaya kaga samaysato saldhig ciidan bad iyo deked ganacsi, waxaase dowladda federaalka Soomaaliya la gudboon inay sidaas si la mid ah ula xisaabtanto Biritayn iyo Taiwan.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.