
Laascanood (Faallo) — Degmada Laascaanood waxay ka mid tahay degmooyinka aad u kobcay dhaqaale iyo dhisme ahaan 34 sano ugu dambeeyay kaddib dhicistii dolwaddii dhexe 1991kii. Waa degmo xarun u ah gobolka Sool. Ka hor, waxay ka tirsanayd gobolka Nugaal, oo caasimaddiisu tahay Garoowe. Nugaal juqraafi ahaan waaa dhul weyn oo ilaa badweynta Hindiya gaara, Nugaal Godan iyo Nugaal sare, waana magac juqraafiyeed muujinaya in xuduudo gumeyste dad Soomaaliyeed kala dhex dhigay aan la cuskan karin kaddib markii Soomaaliya ay noqotay dal ka mid ah Qaramada Midoobay 1dii Luulyo 1960.
Taas waxaa dheer in Ingiriisku uu dhowri waayay heshiisyaddii uu la galay beelaha Soomaaliyeed, kaddibna uu dhul Soomaaliyeed si sharcidarro ah ugu daray Itoobiya. Waa arrintii uu Maxamed Ibraahim Cigaal uu ka garnaqsaday 1968kii mar uu hadal ka jeediyay Royal African Society. Xududaha gumeysiga la dhowro waa kuwa jirta markii Ururka Modowga Afrika la asaasay 1963kii.
Isaak Asimov, oo ahaa qoraa sheekooyinka sayniska qayaaliga ah (science fiction) wuxuu sheegay in dhacdo aad u yar ay yeelan karto saameyn taariikheed oo weyn. Laascaanood waxay markii kowaad soo caanbaxday Oktoobar 1969kii markii la dilay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke isagoo oo booqanayay degmada. Dilka siyaasadeed wuxuu sababay in askar dalka afgambi kula wareegtay 21kii Oktoobar 1969kii. Weli Soomaaliya waxay la kufaakacaysaa saameyntii taliskii loo yiqiin kacaanka. Mar kale Laascaanood waxay dareernka ra’yul caamka qabsatay 2023kii markii maamulka goosasho-doonka ah ee Somaliland duqeynayay magaalada ku dhowaad toddobo bilood. Labo jeer ayuu Golaha Amaanku ugu baaqay maamulka Somaliland inuu joojiyo duqeynta magaalada. Maamulka Somaliland wuxuu ku adkayastay in marka xal laba dal la helo (two-state solution) uu joojin doono duqeynta. Dagaal baa ciidanka maamulka Somaliland looga saaray duleedka Laascaanood 25kii Agoosto 2023kii kaddib markii beelaha Puntland dega midoobeen.
Waxaa intaas dheer in dagaalka Laascaanood sababay qalalaase juqraafi-siyaasadeed (geopolitical crisis). Maamulka goosasho-doonka ahi oo cuskanaya heshiiyo uu la galay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis galay Janaayo 2024kii si uu saldhig ciidan badeed uga kireeyo Itoobiya oo u baahan deked ay kaga maaranto dekedda Jabuuti. Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaysa heshiiskaas waxay heshiisyo difaac la gashay dalal ay ka mid yihiin Masar, Turkiga iyo Eritreeya. Waxaa gebi ahaanba meesha ka bacay siyaasaddii ay siyaasiyiinta Muqdisho ku taageerayeen maamulka Somaliland oo ahayd in Koonfur iyo Waqooyi loo wada hadlo. Dowladda federaalka Soomaaliya intii duqeynta Laascaanood socotay marnaba kama hadlin sheegashadii maamulka Somaliland in Al-shabaab ku sugan tahay Laasaanood, in degmada Laascaanood aysan ka mid ahayn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia iyo in maamulka Somaililand u yahay Itoobiya aag xeyndaab ah (buffer zone).
Isbeddelaas taariikheed ugu waaweyn ku dhacay siyaasadda Soomaalida 2023kii ilaa 2025kii waxa sababay kacdoonkii Laascaanood ka qarxay bishii Diseembar 2022kii. Muuse Biixi wuxuu Ramadaankii 2023kii ku dooday inuu isagu faraha ku hayo nabadda. Hadalkaas wuxuu ka mid noqday hadallada hoostagay “ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado.”
You must be logged in to post a comment.