Dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo argagixisada ISIL oo xalay ilaa saaka ka socda buuraha Xabley

Dagaal culus oo saacado badan qaatay ayaa tan iyo xalay ilaa saaka ka socda buuraha Xabley ee degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay degaanka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley ayaa bilowday, kaddib markii koox ka tirsan firxadka ISIL soo weerareen saldhig ciidan, oo ay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ku lee yihiin Dhaban-qooxle.

Ciidamada difaaca Puntland oo heegan sare ku jiray ayaa si adag isaga difaacay weerarkii argagixisada ISIL ku soo qaaday saldhiga ciidanka ee ceelka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley, halkaasi oo ay ciidamadu ku dileen dagaallamayaal ka tirsan argagixisada islamarkaana weli kula dagaallamayaan kooxdaasi.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalkaasi oo weli socda, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6 askari oo kale, kuwaasi oo qaarkood dhaawacyo fudud qabaan, sida ay wararku sheegayaan.

PUNTLAND POST