Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ku dilay miinaystayaal ka tirsan argagixisada Daacish

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay degaanka Guryo-samo ee nawaaxiga Buqo (Calmiskaad) ayaa halkaasi ku dilay 4 miinayste oo ka tirsan mileeshiyaadka argagixisada ah.

Hawlgal qorshaysan oo saaka ka bilowday aagga Buqo-Caleed ayay ciidamadu ku guulaysteen in ay soo af-jaraan koox miinaystayaal ah oo ka kooban 4 xubnood kuwaasi oo jidadka gelin jiray miinooyinka rimoodka laga hago si ay waxyeello u gaarsiiyaan ciidamada dowladda ee ka hawl gala aaggaasi.

“4-kamida kooxaha khawaariijta argagixisada Daacish gaar ahaan kuwa miinooyinka dhiga waddooyinka ayaa lagu guulaystay in la dilo hawlgal ay sameeyeen ciidamada geesiyaasha difaaca Puntland” ayaa lagu yiri warbixin laga soo xigtay Taliska ciidamada difaaca dowladda Puntland.

Warbixinta laga soo xigtay ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale muujinaysa in kooxda laga furtay hub iyo agab kale islamarkaana laga burburiyay talis weyn oo ay ku diyaarin jireen miinooyinka ” sidookale waxaa lasoo bur buriyay Talis wayn oo miinooyinka ay kudiyaarin jireen” ayay sii raacisay warbixintaasi.

PUNTLAND POST