
Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ayaa dhawaanahan laga dareemaya jiidaha ay isku horfadhiyaan ciidamada SSC-khaatumo iyo Somaliland oo mar kale qarka u saaran xaalad dagaal.
Xukuumadda Madaxweyne Cirro oo dhinac kaga baaqday nabad ayaa dhinaca kale ciidamo badan iyo gaadiid gaashaaman waxay ku soo guraysaa furimaha dagaalka labada dhinac, halka ciidamada SSC-khaatumo ay muujinayaan diyaar-garow dagaal oo xooggan.
Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale dhawaanahan Somaliland soo iibsatay hub iyo saanad ciidan, islamarkaana hawlgelisay xarumo caafimaad iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah, halka ay diyaarisay tobanaan shaqaale caafimaad ah oo loo daabulay furimaha dagaalka.
Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in Somaliland markan go’aansatay dagaal ka dhan ah SSC-khaatumo, taasi oo muujinaysa in bixitaankii Korneyl Muuse Biixi aanu waxba ka beddelin siyaasadda Hargeysa ee ku jihaysan degaannada SSC.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.