
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub ayaa sheegtay in ay maanta dalka dib ugu soo celisay 145 muwaadin, kuwaasi oo in mudda ah ku xirnaa dalka Liibiya, halkaasi oo ay tacaddiyo daran kala kulmeen.
Dowladda Soomaliya waxay sheegtay in ay dadaal xooggan ugu jirto sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka caalamka dib loogu soo celin lahaa dalkooda, waxana ay xaqiijisay in ay maanta dalka dib ugu soo celisay 145 muwaadin ,kuwaas oo tacadiyo kala duwan kala soo kulmay dalka Liibiya.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay dalka dib ugu soo celiso cid walba oo duruuf adag kala kulanta tahriibka ,maanta waxaan soo dhoweynay dhallinyaro aan ka keenay dalka Liibiya” sidaasi waxa sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Isxaaq Maxamuud Mursal oo ka warbixiyay dhalinyarada laga soo celiyay dalka Liibiya.
37 ka mid ah dhallinyaradaasi ayaa laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa halka 108-da kalana lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.