
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo warbixin soo saaray ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan, oo ay ka sameeyeen degaanno ka tirsan Calmiskaad, kaasi oo lagu beegsaday firxadka dagaallamayaasha argagixisada Daacish.
Taliska ciidanka PMPF ee Puntland oo warbixintaasi soo saaray ayaa sheegay in ay burburiyeen talisyo mileeshiyaadka Daacish samaysteen, kaddib markii ay hawlgal qorshaysan ka fuliyeen degaannada Lugta Kalalay, Baraagaha Moqor yare iyo Moqor wayne iyo Dharinta Barile oo dhammaantood dhaca Calmiskaad.
“Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Lugta Kalalay, Baraagaha Moqor yare iyo Moqor wayne iyo Dharinta Barile, halkaasi oo ay ku burburiyeen Talisyo cusub oo ay lahaayeen Argagixisada Daacish” ayuu warbixintiisa ku sheegay Taliska ciidanka PMPF ee Puntland.
Ciidamada Puntland waxay Sidoo kale intii ay hawlgalkaasi socday qabteen qalabka ay dagaallamayaasha argagixisada Daacish u isticmaalijireen Miinada iyo agabyo kale, kuwaasi dhammaantood la burburiyay, sida uu tilmaamay ciidanka PMPF.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.