Puntland oo Villa Somalia ku eedaysay in ay Galdogob iyo Jarriiban ku dartay Galmudug si ay colaad uga abaabusho labada dhinac

Faysal Shiikh Cali

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali ayaa ka horyimid go’aanka hay’adda u qaabilsan dowladda Soomaaliya diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA, kaasi oo ku saabsan in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban ay hay’addaasi u diiwawangelisay kuwa ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

Guddoomiye Faysal Shiikh Cali oo si adag cambaareeyay tallaabadaasi ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay degaannada gobolka Mudug ka hurinayso colaad ka dhex dhacda labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, kaddib markii ay degmooyin ka tirsan Puntland si qaldan ugu dartay dhinaca Galmudug, waxaana uu ka digay in aysan marna aqbali doonin in colaad iyo isku dhacyo hubaysan laga abaabulo gobolka Mudug.

“Maamulka gobolka Mudug wuxuu si cad u cambaaraynayaa go’aanka sharci darrada ah ee ay qaaday hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga DFS ee NIRA, kaasi oo degmooyinka Galdogob iyo Jarriibam ee Puntland uu gebi ahaanba ugu daray maamulka Galmudug.Tallaabooyinkaan soo noqnoqday waa kuwo ka hor imaanaya dastuurka dalka, waxaana u aragnaa fal khatar gelinaya nabadda, wadajirka, darisnimada iyo xasiloonida bulshada ku dhaqan deegaanada Gobolka Mudug ee labada maamul.”

“Qoraalkaan oo aan helnay waxa uu salka ku hayaa xaqiraad lagula kacayo dad iyo degaan ka tirsan Puntland, waxaana si buuxda halkaan uga cadaynaynaa in degmooyinka Jariiban, Goldogob iyo Gaalkacyo oo iyada lawadadagan yahay ay yihiin degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ee Soomaaliya. Ma aha wax la aqbali karo in mar walba la maqlo qoraalo caynkaas ah oo salka ku haya dano siyaasadeed iyo xaqiraad joogta” ayuu yiri guddoomiye Faysal Shiikh Cali.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA in ay waantoobaan go’aankaasi ku saabsan in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban lagu daro Galmudug, isla markaana ay ixtiraamaan Jiritaanka dowladda Puntland iyo xuduudaheeda dastuuriga ah.

PUNTLAND POST