
Hoggaamiyayaasha mucaaridka Israa’iil ayaa billaabay inay ka digaan dagaal sokeeye oo ka dhici kara gudaha Israa’iil, kaddib markii Netanyahu uu si lama filaan ah xilka uga qaaday madaxii hay’adda amniga guud ee Israa’iil oo loogu yeero Shin Bet , Ronen Bar, balse xil ka qaadista waxaa diidday maxkamadda sare ee Israa’iil.
Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in uusan sii shaqeyn karin ,Ronen Bar oo wax dagaal sokeeya ah uusan ka dhici karin gudaha Israa’iil, waxaa kaloo uu tilmaamay inuu daahqaadi doono xaqiiqooyin dadka ka yaabin doona oo uu ku lug leeyahay madaxa hay’adda amniga guud , Ronen Bar! Laakin taa dhinaceeda xubno hore oo ka tirsan sirdoonka iyo hay’adaha amniga Israa’iil ayaa dhankooda ku hanjabay inay bannaanka soo dhigi doonaan siro badan oo ku saabsan Netanyahu , haddii uu ku dhaqaaqo inuu soo bandhigo ceebaha , Ronen Bar .
Netanyahu ayaa la sheegay in uu xil ka qaadista sameeyay , kaddib markii uu ogaaday hay’adda Shin Bet, in ay baaritaan gaar ah ku sameyn doonto oo ay ku jirto lacag uu horey dawladda Qatar uga helay Netanyahu , oo la baarayo ujeeddada lacagta iyo sida Netanyahu ay ku soo gaartay! Tan labaad waa in uu diyaarinayo Netanyahu , sidii hay’adan oo ah midda ugu awoodda badan amniga Israa’iil madax uga dhigi lahaa shaqsiyaad taabacsan oo fulin kara qorshaha barakicinta khasabka ah ee Falastiiniyiinta Qasa iyo burburinta xerada Jenin ee waqooyiga Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta la heysto.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.