Hay’adda NIRA oo beenisay in ay degmooyin ka tirsan Puntland ku dartay dhinaca Galmudug

Maareeyaha NIRA Cabdiweli Tima-cadde

Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee (NIRA) oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay si cad u beeninayso eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug.

“Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid Puntland.

Hay’adda NIRA waxay warsaxaafadeedka ku caddaysay in foomka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban ka tirsan yihiin Galmudug uu yahay mid been-abuur ah, islamarkaana waxay xaqiijisay in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo degaanno ka tirsan Puntland lagu daray dhinaca Galmudug.

“NIRA waxay caddaynaysaa in foomka Baraha Bulshada lagu faafiyay uu yahay mid been-abuur ah; foomka rasmiga ah ee Hay’adda waxaa laga heli karaa websaydkeeda iyo xarumaheeda kala duwan.Hay’addu waxay sidoo kale u xaqiijinaysaa shacabka Soomaaliyeed in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland lagu hoos-geynayo Galmudug,” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka NIRA.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka NIRA

PUNTLAND POST